4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Madaxweynaha Uganda oo sheegay weerarada dhawaan ka dhacay dalkiisa in lagasoo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya
 

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Kampala , ee ay ka dambeysay kooxda Daacish, in lagasoo abaabulay  Soomaaliya iyo Kenya.

Museveni ayaa sheegay in Uganda ay hayso cadaymo muujinaya in ismiidaamintii ISIS uu ahaa weerar ay iskusoo dubarideen kooxo ku sugan Somalia iyo Kenya.

"Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya," ayuu Museveni ku yiri wareysi uu siiyay Reuters.

Qaraxyada ka dhacay bartamaha caasimadda Uganda oo ay ku dhinteen illaa saddex, ayaa keentay in Museveni uu 1,700 askari u diro dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda dimuqraadiga Koongo.

Uganda iyo Congo ayaa dhawaan  si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaad taabacsan Daacish sida ay xaqiijiyeen labada dal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online