4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala saxiixday Heshiisyo cusub
 

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dowlada Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe iyo Danjiraha dalka Shiinaha u jooga Soomaaliya Fei Shengchoa ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dayactirka iyo qalabeynta xarumaha kala ah Tiyaatarka Qaranka, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Sonna.

Wasiir Dubbe iyo Danjire Shengchoa ayaa heshiiskan ku kala saxiixday maanta magaalada Muqdisho, waxaana wasiir Dubbe uu sheegay in heshiiskan uu bilaaw u yahay wada shaqeyn balaaran oo dhexmari doonta dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.

“ Runtii heshiiskan waxa uu bilow fiican u yahay dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, mashaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo Pilot projects oo ah mashaariic yaryar oo tijaabo ah oo la xiriira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan SONNA” ayuu yiri wasiir Cismaan Dubbe.

Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed waxaa dhisay dowladda Shiinaha sanadkii 1965-kii, balse burburkii dalka ka dhacay kadib waxaa dowladda haatan jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ay ku sameysay Tiyaatarka Qaranka barnaamij  isxilqaan ah, kaasoo dib u hagaajin loogu sameeyay Tiyaatarka sanadkii 2019-kii.

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha waxa horay uga dhaxeeyay xiriir soo jireen ah, waxaana xusid mudan in dowladda Shiinaha ay horay dalka Soomaaliya uga fulisay mashaariic waa weyn oo ay ka mid ahayeen Tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo waddooyin ay ka mid yihiin tan isku xirta magaalooyinka Baledweyne ilaa Burco.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]