4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiisay 500,000 oo ah tallaalka COVID-19


Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Dowladda China ayaa maanta magaalada Muqdisho gaarsiisay 500,000 kuuro oo ah tallaalka COVID-19, waxaana kala wareegtay wasaaradda caafimaadka.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in tallaalkaan sida ugu dhaqsiyaha badan loo u gaarsiindoono dowlad goboleedyada, si loo xoojiyo ka hortagga COVID-19.

Wasiirka caafimaadka ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay tallaalka qaataan, iyadoo sheegtay in ay dowladdu welwel ka qabto inuu dalka soo gaara nuuca halista leh ee la yiraahdo Omicron, kaasoo ka dillaacay in ka badan illaa 40 waddan.

"Shacabka waxaan ku adkaynayaa qaadashada talaalka COVID-19 iyo in la badiyo talaabooyinka looga hortagi karo fafaitaanka fayrayska Caronaha," ayay tiri wasiir Fowsiyo Abiikar.

Tallaalka uu Shiinuhu soo gaarsiiyay Soomaaliya ayaa wuxuu qeyb ka yahay wadar dhan 2 bilyan oo tallaal ah oo Shiinuhu gaarsiinayo dalalka adduunka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online