4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Guddiga doorashada Soomaaliya oo sheegay in dib loogu laabanayo doorashada labo kursi oo lagu doortay Baydhabo
 

Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in dib loogu laabanayo doorashada labo kursi oo dhawaan lagu doortay magaalada Baydbabo.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in habka loo maray doorashada labadaas kursi ay baalmarsan yihiin habraaca loo dajiyay doorashada aqalka hoose, waxayna labadaas kursi kala yihiin, HOP 155 iyo HOP 103.

Guddiga doorashada waxay baabi’iyeen natiijada lagu doortay kuraastan, waxayna amreen in dib loogu laabto doorashadooda.

Labada kursi ee dib loogu celiyay doorashada waxaa ku kala guulaystay Sareedo Maxamed Cabdalla oo horey uga mid ahayd barlamaanka Soomaaliya kuna tartamaysay kursiga 154 iyo  Maxamed Cali Xasan oo ku guulaystay kursiga 103.

Kursiga 103 waxaa dacwad horey uga gudbiyay guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, oo muddo siddeed sano ka badan kursigaas kusoo fadhiyay.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale, sheegay in ay ka war-sugayaan baaritaan guddiga xallinta khilaafaadku hayo kursi lagu muransan yahay oo lagu doortay Galmudug, oo natiijadiisa la hakiyay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online