4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 4 , 2021
Dugsiyada sare ee dalka Itoobiya oo muddo toddobaad ah xirnaan doona
 

Sabti, December, 4, 2021 (HOL) - Sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada dalka Itoobiya, waxaa muddo toddobaad ah fasax ahaan doona ardayda wax ka barta dugsiyada sare ee dalka Itoobiya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in mudadaas ardaydu ka shaqayn doonaan howlaha tabarucaadka ah ee dalkaasi ka socda, iyo waliba inay dadka beeralayda ah ee dagaalladu ku maqan ay ka caawiyaan falashada beeraha.

Ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee dowlad degaanka Soomaalida, ayaa geestooda waxay fasaxan kaga qayb qaadan doonaan howlaha tabarucaadka ah, sida dhiig shubis iyo wixii lamidka ah, iyadoo dugsiyada sare ay xirnaan doonaan mudadadaas toddobaadka ah.

Dagaallada ka socda dalka Itoobiya ayaa saamayn wayn ku yeeshay dhanka waxbarashada goobaha ay dagaalladu ka socdaan, iyadoo arday tiro badan ay ku barakaceen dagaalladan, halka dugsiyo waxbarashana burbur badan soo gaaray.

Wakhtiga la xirayo dugsiyada sare ayaa ka bilaabanaysa Isniinta soo socota 6da December, ilaa 13 December 2021.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]