4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 4 , 2021
Jenaraal Biixi "Walaahi Askarigii qof shacab ah xabad ku rida tiirka Maxkamada ayaa la geynayaa"
 

Sabti, December, 4, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka Lugta Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga digay qeybaha kala duwan ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iney dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Jenaraal Biixi oo ka hadlaayay munaasabad lagu soo dhaweynaayay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Xoogga dalka ee Gorgor oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa wacad ku maray in askarigii qof shacab ah dila la horgeyn doono Maxkamada tiirkana la saari doono.

"Habeenadan Muqdisho uu ka dhacayay falal amni darro oo aad u fool xun, Waxaaan rabaa halkan in aan uga faa’ideysto dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, ama ha noqdo mid ilaalo ah oo madax la socdo, qofkii qof shacab ah xabad ku rida wallaahi tiirka Maxkamadda ayaa geyneynaa ciidanku maaha inuu dhibaateeyo shacabka marnaba ma aqbali doono in askari ciidan uu dhibaateeyo shacabka ” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili labadii habeen ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dileen wiil iyo gabar walaalo ahaa iyo wiilkale, kuwaas oo dhamaantood ahaa dhalinyaro aan waxba galabsan.

  

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]