4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 4 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo
 

Sabti, December, 4, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaq kasoo baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degnada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa la sheegay in markii hore uu ku bilaawday madaafiic xoogan oo la tilmaamay in qaarkood ay ku dhaceen gudaha Saldhiga ciidamada Kenya, dabadeedna uu xigay dagaal socday waqti kooban oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Kenya, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka degan degmada Ceelwaaq.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay iney arkeen qiic iyo dab ka kacay gudaha Saldhiga ciidamada Kenya, islamar ahaantaana uu jiro khasaare ka dhashay madafiicda lala beegsaday Saldhigooda, walow aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen madaafiicda.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa inta badan sidaan oo kale waxay weeraro isugu jira kuwa toos ah iyo kuwa qaraxyo ah ku qaadeen Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana u dambeeyay weerarkii habeen dhaweyd ay ku qaadeen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen hoobiyeyaashii la isku adeegsaday sadax caruur oo walaalo aheyd, islamarkaana ay ku dhaawacmeen laba kale oo la dhalatay caruurta dhimatay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]