Jimco, December, 31, 2021 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa cambaareeyay waxay ugu yeereen isku dayga afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday Xarunta Gollaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
newsinsideWasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo xalay goor dambe shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in golaha wasiiraddu ay si wadajir ah u muujiyeen sida ay uga xun yihiin falkaas.
Wasiir Dubbe wuxuu sheegay in golaha wasiiraddu ku taageereen raysal wasaaraaha mowqifkiisa ku aadan in doorashadu socoto iyo qabsoomida shirka madashada qaranka ee Muqdisho ka dhacaya.
Wuxuu sheegay in lasoo magacaabayo guddi baaris ku sameeya sidii uu u dhacay afgambiga iyo sida raysal wasaaraha la isku hor istaagay.
Dhinaca kale, shirka golaha ayaa lagu meel mariyay Qorshaha dib u howlgelinta ciidamada isku dhafka ah ee Sugidda Amniga Caasimada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online