4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2021
Ciiddanka dowladda oo mar kale caawa geystay fal rasaasayn ah oo dhimasho dhaliyay
 

Jimco, December, 3, 2021 (HOL) - 24 saac gudaheed ayay mar kale rasaas ay fureen ciiddanka dowladda Soomaaliya, waxay geysatay dhimashada hal qof oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Mahad Cabdiraxmaan Meegaag.

Mahad C/raxmaan ayaa caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaas ay huwiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Mooto Bajaaj uu saarnaa.

Sida aan xogta ku helnay, marxuumku wuxuu ka tirsanaaa Ciiddanka Asluubta Soomaaliya, waxaana goobta ka baxsaday ciiddankii falkaas ka dambeeyay, kuwas oo aan la garan taliska ay ka tirsan yihiin.

Xalay ayay ahayd markii Muqdisho lagu dilay wiil iyo gabadh walaalo ah, kadib markii ciiddan la socday gaari Cabdi bile ah ay rasaas ku fureen gaari bajaaj ah oo ay la socdeen labada walaalaha ah.

Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa si aad ah uga xumaaday falalka nuucaan ah, waxayna dowladda ku eedeeyeen in aanay wax tallaabo ka ah ka qaadin askarta mar walba sida macno darrada ah u dilaya shacabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online