4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2021
Booliiska Soomaaliya oo warbixin rasmi ah kasoo saaray dhacdadii lagu dilay wiil iyo gabadh walaalo ah
 

Jimco, December, 3, 2021 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka ay masuul ka ahaayeen dil xalay magaalada Muqdisho loogu geystay allaha u naxariistee labo qof oo walaalo ah oo ahaa gabadh iyo wiil.

Afhayeenka ciiddanka booliiska ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya in askar la socotay gaari ciiddan oo xoogga dalka ah, ay  si ku tala gal ah rasaas u rideen si ay u furtaan  wadada oo jam ahayd.

Afhayeenku ma sheegin in gacanta lagusoo bandhigay askartii falka ka dambeysay, hase yeeshee wuxuu sheegay in ay socdaan baaritaanno hay’addaha amniga ku ogaanayaan dambiilayaasha.

Dhinaca kale, Ehelada marxuumiinta ayaa laamaha amniga ugu baaqay inay si degdeg ah usoo qabtaan dambiilayaasha dilka geystay, waxayna ka digeen in kiiskooda  la meermeeriyo si aanay caddaalad u helin.

Sarakiye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa labada qof ee ku baxay gacanta ciiddanka, ayaa waxay ahaayeen arday ka qalin jebiyay jaamacaddaha, kuna jiray da'da 22 illaa 30 jir.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online