4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2021
Wasiirka caddaalada Soomaaliya oo ka hadlay dhacdo lagu dilay wiil iyo gabadh walaalo ah
 

Jimco, December, 3, 2021 (HOL) - Wasiirka caddaalada Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay caddaalada horkeeni doono askartii ka dambeysay dilkii xalay Muqdisho loogu geystay wiil iyo gabadh walaalo ah.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa rasaas huwiyay gaari bajaaj ah oo ay saarnaayeen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sawdo Maxamuud, oo u geeriyooday rasaasta ciidanku fureen.

“Falkaan foosha xun markuu dhacay waxaan la xiriirey hayadaha amniga ee baarista iyo ka daba tagista fal dembiyeedyada ku shaqada leh ee ay ugu horeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan la hadley qaar ka mid ah eheladii dhibtu gaartey,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka caddaaladu wuxuu sheegay in ciidamada ammaanku u xaqiijiyeen in ay baaris socoto lana daba joogo falkaan cidii geysatey.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u balan qaadeynaa iyadoo loo maraayo hannaanka Caddaalad u raadinta dhibanaha in aan hor keeni doono caddaalada cid alaale cidii falkaan foosha xun geysatatey,” ayuu wasiirku raaciyay.

Dhinaca kale, qoyska marxuumiinta oo maanta hadlay ayaa diiday in la aaso maydka wiilka iyo gabadha illaa ay caddaalad ka helayaan, waxayna nasiib darro ku tilmaameen in hay’addaha amnigu aanay illaa iyo hadda ka hadlin falkaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online