4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2021
Xildhibaan Ilhaan cumar oo loogu hanjabay in la dili doono
 

Jimco, December, 3, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka koongareeska Maraykanka ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay waxay kusoo bandhigtay farriin cod ah oo hanjabaad ah oo loogu sheegayo in la dili doono.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in lagu tilmaamay in ay tahay Jihaad doon xiriir laleh ururada xagjiriinta, waxayna goobta ay saxaafadda kula hadlaysay ka daartay codka loogu hanjabayay.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar ay ku biirtay aqalka Koongareeska, waxay mar walba la kulmaysay hanjabaado dil ah, iyadoo caddeysay sababta loo bartilmaameed sanayo in ay tahay isirkeeda iyo diinteeda Islaamka.

Ilhaan ayaa sidoo kale ka hadashay haweenay xildhibaan ah oo  Koongareeska ay iskula jiraan kana tirsan Jamhuuriga ah, taasoo Ilhaan ku dhahday hadalo muslim nacayb ah oo xagjirnimo xambaarsan.

Ku dhawaad 40 xildhibaan oo katirsan aqalka Koongareeska ayaa garab istaagay Ilhaan Cumar, waxayna meel mariyeen bayaan ay ku dalbanayaan in gudiyada ay katirsan tahay laga saaro Lauren Boebert oo ah haweeneyda aflagaadada u geysatay Ilhaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online