7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 24, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan
 

Jimco, December, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iska hor imaad sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka dhexmaray ciidamada ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya oo gadoodsan la sheegay iney weerar ku qaadeen barta koontarool ee lacagaha canshuurta looga qaado gaadiidka isticmaala wadada laamiga ah ee taala degmada Matabaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidanka gadoodsan ay ka xanaqeen mushaaraadkooda ay dowladda ka jartay, kuwaas oo la sheegay iney dhawaan ka barbar dagaalameen ciidanka Ahlu Sunna, islamarkaana ay haatan doonayaan iney la wareegan dhaqaalaha barta koontarool ee canshuurta lagu qaado.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in dagaalka dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen labada dhinac ee dagaalamay, hayeeshee aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray dadka Shacabka ah.

Xaalada degmada Matabaan ayaa saaka ah mid degan oo dib waxaa u bilawday isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, mana jirto wax war ah oo wali kasoo baxay maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]