7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Cabdiraxmaan Faroole oo ku eedeeyay Isimada gobolka Bari in ay huriyeen colaadda Boosaaso
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku eedeeyay Isimada gobolka Bari in ay qeyb ka leeyihiin colaadda magaalada Boosaaso.

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo saakay la hadlayay BBC Somali ayaa sheegay, Isimadu in ay faraha lasoo galeen arrimo siyaasadeed oo ay ahayd in ay maamulka uga dambeeyaan.

Faroole wuxuu sheegay Isimadu in ay leeyihiin in ay sulux wax ku xalliyaan, balse aysan wax door ah ku lahayn arrimaha siyaasada iyo maamulka.

“Isimadii qoraalka soo saaray iyagaa wax sii fogeeyay, ma aysan qaadan doorkii ay lahaayeen. Waxaad moodaa inay isku ku qasan yihiin doorka ay leeyihiin Isimada iyo doorka dowladda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Faroole iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Puntland, sida Cabdwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, ayaa kulan ay shalay Nayrobi ku yeesheen waxay ku baaqeen in colaadda loo joojiyo.

Siyaasiyiinta ayaa sheegay in ay sharci tahay xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimaha PSF,  balse madaxweyne Deni iyo maamulkiisa waxay ugu baaqeen in hab nabad ah loo wajaho sidii loo dhamayn lahaa colaadda magaalada Boosaaso.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]