7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Taliska PSF: Waxaan dagaal kula jirnaa dad argigxisada katirsanaa oo xasaanad dowladdeed ku gambanaya
 

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu mas'uul ka yahay dagaalka labada cishe ka socda magaalada Boosaaso, waxayna sheegeen dhankooda in ay xun yihiin dhibaatada  iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee PSF, ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu diiday gartii iyo go’aamadii kasoo baxay Isimada Puntland.

PSF waxay sheegtay in ay dagaal kula jiraan dad argigixisada ka tirsan oo ku gabanaya xasaanad dowladdeed. Waxay kaloo sheegeen in ay mar walba u taagan yihiin difaaca nabadda Puntland iyo la dagaalanka argigixisada.

Agaasimihii hay’adda PSF, Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sidaan yiri,” Waxaan ku jirnaa dagaal iyo is difaac. Dalkaan waan u soo dagaallanay, mana doonayno in aan hubkayaga aan u isticmaalno ciidamadaya la soo khalday". 

Warka kasoo baxay hay’adda PSF ayaa imaanaya, iyadoo wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal kasta oo lagu dhameynayo colaadda magaalada Boosaaso.


Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]