7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Kooxda TPLF oo dowladda ku eedaysay inay weerar kusoo qaaday gudaha degaanka Tigray

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay weeraro ku qaadeen qaybo kamid ah gobolka Tigray, isagoo xusay in laga soo weeraray saddex aag oo ay ku sugnaayeen kooxda TPLF.

Eedayntan ayaa kusoo hagaagtay xilli maalmo ka hor ay TPLF sheegtay inay ka baxayso dhammaan dhulkii ay horey u qabsatay ee degaannada Canfarta iyo Axmaarada, taas oo dowladdu ku sheegtay in xoog looga saaray TPLF degaannadaas, balse ay TPLF dhankeeda sheegtay in iyagu iskood uga baxeen.

Geesta kale dowladda Itoobiya ayaa TPLF ku eedeysay inay burbur baahsan u gaysatay goobihii ay horey TPLF u qabsatay ee dhawaan laga kiciyay, kuwaas oo ay dowladdu ballan qaaday in dib loo dayactirayo.

TPLF ayaa sidoo kale dowladda ku eedaysay inay xasuuq ka gaysatay gudaha degaanka Tigray, iyadoo sheegtay in duqaymaha dhanka cirku ay ku wax yeeloobeen, dad shacab ah oo aad u tiro badan siday TPLF sheegayso.

Warbaahinta madaxa banaan ma caddayn karto eedaymaha ay isu tuurayaan dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]