4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 2 , 2021
Puntland oo sheegtay in ay la dagaalamayso shakhsiyaad dowladda federalku kusoo maalgalisay kicinta xiisadaha Bosaso ka jira
 

Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Guddiga amniga gobolka Bari ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Boosaaso waxay ku shaaciyeen inuu billaabanayo howlgal ka dhan ah waxay ugu yeereen cadowga Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabsimad Yuusuf Axmed (Abwaan) ayaa wuxuu sheegay in ay la socdaan shakhsiyaad xiriir dhow dowladda federalka, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay dab ku shidayaan xiisada ka jirta magaalada Boosaaso.

Cabdisamad Abwaan oo dhinaca kale ah senorada cusub ee aqalka sare, ayaa sheegay ciidamada amnigu in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo lagusoo maalgaliyay in ay ‘qalqal’ galin ka abuurto magaalada Boosaaso.

“Waad ogtihiinoo ayaamihii ugu dambeeyay in dadka guryaha lagu garaacayay oo lagu lahaa, soo barakaca. Waad ogtihiin in meel walba wax lagusoo qorayay oo lalahaa Boosaaso waa gubanaysaa,’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari.

Guddiga amniga gobolka Bari ayaa sheegay in xaaladda ka taagan hay’adda PSF ay si dhaqso leh usoo gabagaboobi doonto, iyagoo sheegay  in aanay jirin cabsi hadda laga qabo in magaalada Boosaas uu ka dhaco dagaal.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka guddiga amniga wuxuu imaanayaa, iyadoo aanay weli jirin wax guul ah oo laga gaaray inuu xilka wareejiyo agaasimihii laga qaaday xilka hay’adda PSF.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online