1/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 2 , 2021
Dhallinyaro ka shaqeynayay biyo dhaaminta abaaraha oo ku geeriyooday miino kula qaraxday Buulo Xaaji oo Kismaayo u dhow
 

Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 4 Dhallinyaro ah ayaa ku geeriyooday miino kula qaraxday deegaanka Buula Xaaji ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Dhallinyaradan ayaa waxay ahaayeen dhallinyaro wadatay gaari nooca biyaha lagu dhaamiyo oo ay Xoolo biyo ugu dhaansanayeen.

Falkaan waxa uu dhacay saacaddo ka hor markii ay saakay  deegaankaasi la wareegeen ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee Danab.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka, dhallinyarada ayaa biyo dhaamin u sameynayey qoysas ku nool Buula-Xaaji oo abaarta dalka ka jirta ay saameysay.

Lama oga cidda ka dambeysa falkan, hase yeeshee dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxay ku eedeysay kooxda Alshabab in ay falkaan iyagu ka dambeeyaan.

Marxuumiinta ayaa lagu aasay deegaanka Buulo Xaaji, oo ay hadda gacanta ku hayaan ciiddanka Jubbaland, oo dhinaca kale miino baaris ka wada fariisimaha Alshabab ay ka baxeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
12/2/2021 8:07 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Guddiga amniga gobolka Bari ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Boosaaso waxay ku shaaciyeen inuu billaabanayo howlgal ka dhan ah waxay ugu yeereen cadowga Puntland.

12/2/2021 6:38 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa ka codsaday midowga musharraxiinta caddeymo muujinaya in guddigu uu ka hor istaagay inuu ka qabto dacwad ama go’aano guddigu gaaray oo loo maray sifo baalmarsan habraaca doorashada.

12/2/2021 3:48 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u rajeeyay Soomaaliya in ay guulo ay ka gaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalka dhaca Geeska Afrika.

12/2/2021 12:39 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo Xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dileen Saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

12/2/2021 12:21 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay saqdii dhaxe dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku yaala xaafada howlwadaag ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/2/2021 12:16 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Somaliland, ayay xukuumada Somaliland ugu hambalyaysay Jamhuuriyada Barbados oo loo aqoonsaday dal cusub oo caalamka kamid ah.