1/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2021
Madaxweynaha Ruushka Putin oo u rajeeyay Soomaaliya guul ay ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada
 

Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u rajeeyay Soomaaliya in ay guulo ay ka gaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalka dhaca Geeska Afrika.

"Dowladda Soomaaliya waxay qaadaysaa tillaabooyin firfircoon oo lagu xoojinayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, la dagaallanka argagixisanimada iyo xagjirnimada, waxayna raadineysaa inay abuurto xaalado soo nooleyn dhaqan-dhaqaale," ayuu yiri Putin.

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ruushka, Xasan Cabdi Daa’uud ayaa Arbacadii shalay waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Putin.

Safiirka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Ruushka ayaa ka wada hadlay rajada laga qabo in la sii horumariyo xiriirka laba geesoodka ah, waxaana ay xaqiijiyeen in Moscow iyo Muqdisho ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal, oo ay ku jiraan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
12/2/2021 8:07 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Guddiga amniga gobolka Bari ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Boosaaso waxay ku shaaciyeen inuu billaabanayo howlgal ka dhan ah waxay ugu yeereen cadowga Puntland.

12/2/2021 6:38 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa ka codsaday midowga musharraxiinta caddeymo muujinaya in guddigu uu ka hor istaagay inuu ka qabto dacwad ama go’aano guddigu gaaray oo loo maray sifo baalmarsan habraaca doorashada.

12/2/2021 6:22 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 4 Dhallinyaro ah ayaa ku geeriyooday miino kula qaraxday deegaanka Buula Xaaji ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.

12/2/2021 12:39 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo Xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dileen Saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

12/2/2021 12:21 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay saqdii dhaxe dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku yaala xaafada howlwadaag ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/2/2021 12:16 AM EST
Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Somaliland, ayay xukuumada Somaliland ugu hambalyaysay Jamhuuriyada Barbados oo loo aqoonsaday dal cusub oo caalamka kamid ah.