7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2021
Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya hor istaagtay deeqihii waxbarasho ee ay heli jirtay
 

Sabti, December, 11, 2021 (HOL) - Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay hor istaagtay 7 kamid ah 10 dal oo ardayda Somaliland deeqo waxbarasho siin jiray.

Guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe, ayaa golaha wakiilada u sheegay in dowlada Soomaaliya ay hor istaagtay, deeqihii waxbarasho, sida guddida tacliinta sare la wadaageen golaha.

"Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libiya, Turkey, Malesiya, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaliya" ayuu yidhi Casoowe.

"Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyada lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Itoobiya, inta kale waxay qaateen qolada woxoodii".

Dowlada Soomaaliya, ayaa sannadihii u danbaysay waday dadaalo, ay Somaliland kaga joojinayso dhamaan deeqaha aan Muqdisho soo marin.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]