7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2021
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo cambaaraysay xadhiga dhalinyaro la xidhay
 

Sabti, December, 11, 2021 (HOL) - Xarunta xuquuqal Insaanka Madaxabanaan ee Somaliland, ayaa cambaaraysay xadhiga ay xukuumada Somaliland kula  kacday jilaa Idiris Siciid Maxamed (Sayidka barakaysan), iyo wiil kale oo Burco loogu xidhay kadib qoraal uu xukuumada ku duray.

Gudoomiyaha Xarunta Xuuquul Insaasnka Soomaliland Yaasmiin Cumar Xaji Maxamuud oo BBC Somali  uga warrantay warbixin ay xaruntu ku cambaaraysay xadhiga labada dhalinyarada ah, ayaa sharci daro iyo xoriyada hadalka oo lagu xad gudbay ku tilmaantay xadhigooda.

"Waddan ku dastuur ayuu leeyhay, dastuurkaana damaanad qaaday dadku in ay hadlaan, markaa sharcigu in uu shaqeeyo oo dowlada lafteedu anay dastuurka ka talaabsan ayaa waajib ah,  maaha hadalo la leeyahay in ay dowlada damqaan, ama siyaasi leexsado, waa wax aan sharciga waafaqsanayn" ayay tidhi Yaasmiin.

"Markaa inamadani rayi gooda ayuunbay cabireen, waa madadaalo guud wax dhibaato ahina kuma jirto" ayay hadal keeda ku dartay.

Jilaa Sayidka barakaysan ayaa xabsiga la dhigay kadib markii uu jilay riwaayad uu xukuumada ku jilay, halka inanka Burco lagu xidhay loo haysto qoraal uu Facebook ku qoray oo uu xukuumada ku tilmaajay jabhad.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]