7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2021
Maraykanka oo ku caddaadinaya madaxweynaha Puntland inuu waddo nabadeed ku dhameeyo ismari waaga hay'adda PSF
 

Sabti, December, 11, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay ismari waaga ka dhashay xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimihii hay’adda PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa labo jeer la hadashay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , iyadoo ku cadaadisay inuu helo waddo nabadeed oo uu kaga baxo xiisadda taagan, sida uu sheegay diblomaasi sare oo Mareykan ah oo ku sugan Muqdisho.

"Guud ahaan waxaan ku boorrinaynaa in ciidamada nooc kasta oo ka mid ah Soomaaliya ay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha siyaasadda. Waxaan ku boorrineynaa dhammaan ciidamada ammaanka inay diiradda saaraan la dagaallanka ururada xagjirka ah ee rabshadaha sida al-Shabaab iyo ISIS-Somalia." ayuu yiri dublamaasi sare oo Mareykan ah.

Ciidanka PSF  Puntland oo ay tababareen saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Maraykanka ee loo yaqaan (U.S. Navy SEALs) ayay ku milmay loolan siyaasadeed oo ka taagan gudaha ah Puntland, taasoo keentay inay joojiyaan howlgalladii ka dhanka ahaa Alshabab iyo Daacish.

Ciiddanka PSF oo ah tiro ahaan dhan 600-askari oo si toos ah uga amar-qaata ciidamada Maraykanka, ayaa dib ugu laabtay xaruntooda ku taal Boosaaso, iyagoo ka gadooday xil ka qaadista agaasimahoodii.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka iyo kuwa diblomaasiyiinta ayaa ka walaacsan ismari waaga jira, kaasoo wiiqaya dagaalka ururada argigixisada.

Mid ka mid ah walaacayada muhiimka ah ayaa ah awoodda Daacish-ee Puntland, iyo Al-Shabaab, si ay u ballaariyaan howlgalladooda.

Hiiraan Online News Disk