7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2021
Wasiir ku xigeenka gargaarka Soomaaliya oo xaqiijiyay in ay jiraan shaqaale si sharci darro ah shaqada looga eryay
 

Sabti, December, 11, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamuud Xasan, ayaa xaqiijiyay in ay jirto 16 shaqaale ah oo wasaaraddiisa katirsanaa oo si sharci darro ah shaqada looga saaray.

Qoraal uu wasiirka ku faafiyay bartiisa facebook ayuu ku sheegay  in ay xafiiskiisa soo gaartay cabashada shaqaalaha la eryay, isagoo sheegay inuu hayo caddaymo iyo xog badan oo muujinaysa arrintaas.

Wasiirku wuxuu ku wargaliyay shaqaaalaha la eryay in ay dib shaqadooda ugusoo laabtaan, wuxuuna sheegay in aysan dhici karin in lagu xadgudbo xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo looga faa’idaysanayo olole doorasho.

Dhowaan ayay ahayd markii qoraal kasoo baxay Wasaaradda gargaarka lagu beeniyay shaqo ka eryida shaqaalaha, iyadoo aad qoraalkaas loogu difaacay wasiirka gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online