7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2021
Galmudug oo si kulul uga hadashay dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Sabti, December, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleed laba Maleeshiyo oo walaalo ah ku dhexmaray deegaanka Kaxandhaale oo hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Wasiir Falagle ayaa sheegay iney gacan bir ah ay ku qaban doonaan shaqsiyaadka huruniya dagaalka u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed oo noqday mid soo laablaabtay, islamar ahaantaana ay xoogooda isugu geyn doonaan sidii markale uusan u dhicin dagaalka Maleeshiyo beeleedka u dhaxeeya.

"Waxaan sakaay dirnay ciidamo badan kuwaas oo kale dhex gela beelaha ku diriraya deegaanka Kaxandhaale ee duleedka Maagalada Balanbale ee Gobolka Galgaduud, waxaana diyaar u nahay inaan xoogeena isugu geynayo sidii loo joojin lahaa dagaalka khasaaraha badan geystay ee u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed oo ka dhacay deegaanka Kaxandhaale" ayuu yiri Wasiir Falagle.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa imaanaya, xili wali xiisada dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Kaxandhaale, waxaana ku dhintay dagaalkaasi intii uu socday dad tiro ahaan gaaraya 15 ruux, halka tiro intaasi  ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalada ka dhacay deegaanka Kaxandhaale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]