7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2021
Midowga Yurub (EU) oo Kenya u soo celiyay in ka badan 70 boqolkiiba Maaliyadda ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab
 

Sabti, December, 11, 2021 (HOL) - Midowga Yurub  iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa Kenya u soo celiyay in ka badan 70 boqolkiiba Maaliyadda ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab ee Soomaaliya, ka dib markii QM ay kordhisay ka bixista muddo shan bilood ah.

Hanti-dhowrka guud ee Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad Sh1.85 bilyan ay ka heleen howlgalka Amisom, saddex bilood gudahood illaa Sebtembar, taasoo ka dhigan 74 boqolkiiba in ay helayaan miisaaniyad sanadeedka illaa bisha June 2022-ka.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Soomaaliya iyo saaxiibadeeda inay ka shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa jawi siyaasadeed iyo amni oo wanaagsan oo doorasho loo dhan yahay lagu qaban karo.

Kenya ayaa Soomaaliya u dirtay 4,660 askari oo katirsan AMISOM, ka dib weerarro aan kala joogsi lahayn iyo afduubyo ay al-Shabaab u gaysteen dad rayid ah oo ku sugan dalkeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online