7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 10, 2021
Puntland oo sheegatay iney burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen dhulka Buuraleyda
 

Jimco, December, 10, 2021 (HOL) - Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland oo howgalo ay ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka buuraleyda ah ayaa waxay sheegeen iney burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen dhulka buuraleyda ah, islamarkaana ay kuso qaqabteen waxyaabaha qarxo oo ay diyaarinayeen Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa Saldhigyada la burburiyay, inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada saraakiisha ciidamada maamulka Puntland, waxaasa xusid mudan iney soo bandhigeen qaar ka mid ah sawiro muujinaya waxyaabaha qarxa oo ay gacanta ku dhigeen.

Degaannada ay howlgalka ka sameeyeen ciidanka Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa Dhagaxbuur, Dhagcad Madarshoon halkaasi oo ay sheegeen iney ahayeen meelaha Alshabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada maamulka Puntland.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan in la burburiyay saldhigyadii ay ku lahayeen dhulka Buuraleyda ah gaar ahaan deeganada Dhagaxbuur, Dhagcad iyo Madarshoon oo ay sheegteen saraakiisha Puntland iney burburiyeen Saldhigyada Shabaab ee deegaanadaas.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]