7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 10, 2021
Muqdisho: Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo Hooyo Soomaaliyeed u dilay Taliyahaada ayaan kugu dacweynaya
 

Jimco, December, 10, 2021 (HOL) - Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dil bareer ah waxa uu u geystay Hooyo haysatay sagaal caruur ah oo agoon ah, xaafada xoosh degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.

Hooyada dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Faay Beeso waxayna aheyd sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen hooyo nolosha caruurteeda ku maareyn jirtay waxay xoogeeda kusoo shaqeysato.

Dilka hooyadaan ayaa yimid kadib markii askari ka mid ahaa askar ilaalo u aheyd sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo daris lahaa guriga hooyada la dilay, inuu marwaliba qori ku qaban jiray caruurteeda, taasoo keentay hooyada dhimatay iney ka dacwooto askariga, balse inta aysanba dacwoonin ku dhuftay dhowr xabadood oo sababay iney u dhimato.

"Ilmaha maxaad qoriga iga taagtaa mad iiga dhaaftid mise Taliyahaada ayaan kugu dacweynaya ayay tiri, markey albaabka guriga sarkaalka dagana ay garaacis ku bilaawdayna dhowr xabadood ayuu ku dhuftay oo Caloosha, Kilida iyo Minka ayay kaga dhaceen, ilmaheda markey so baxeena baas ayuu ku furay oo alle ka badbaadiyay, kadib asne wuu cararay oo wuu fakaday" ayay tiri hooyo daris la aheyd marxuumada gardarada lagu dilay.

Dadka ku nool degmada Dharkiinleey ayaa dhacdaan si weyn uga argagaxay kuwaas oo dalbaday in dowladda Soomaaliya si deg deg ah cadaalad ugu keento dilka xaqdarada ah ee loo geystay hooyada la dagaalameysay korinta nolosha 9 caruur ah oo ay haystay oo agoon u badnaa.

Muqdisho maalmahii lasoo dhaafay waxay askarta dowladda siyaabo kala duwan oo bareer ah ugu dileen dad shacab ah oo aanan waxba galabsan, taasoo u muuqaneysa mid sii kordheysa dhibaatada loo geysanayo dadka shacabka ah.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]