7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 10, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Jimco, December, 10, 2021 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Kaxandhaale oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid waqti kooban socday islamarkaana geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada Maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa 4 ruux oo isugu jira labada Maleeshiyi beeleed ee dirirtu dhexmartay ayaa la sheegay iney ku dhinteen dagaalka dhacay, waxaana sidoo kale lasoo warinayaa dhaawacyo gaaraya ilaa 10 ruux, kuwaas oo la kala geeyay xarumo caafimaad oo ku kala yaala degmooyinka Guriceel iyo Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ka dhex qarxay markale labadaan Maleeshiyo beeleed ayaa ah mid salka ku haayo arimo la xariira dilal iyo aanoyin qabiil oo haray u dhexmaray labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in halkaasi wali laga dareemayo xiisad dagaal, maadama labada ciidan ee Maleeshiyaadka ay wali is horfadhiyaan islamarkaana gurmadyo kala gaareen labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa inuu markale bilaawdo dagaal u dhaxeeya labada Beelood oo haray dhowr jeer oo hore ugu dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]