4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
UmulKhayr Rooble oo beenisay in Hargaysa lagu xidhay
 

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - UmulKhayr Rooble Cilmi oo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland sheegay in booliisku xidheen kadib markii, ay xukuumada ka codsatay sharci ilaalinaya dumarka aan xijaaban, ayaa sheegtay in aan la xidhin, cidna dacwaynin.

"Saaka shaqo ayaan u baxay mardhawayd markaan nasasho imid uun baan ogaaday iyadoo la leeyahay wasiirka ayaa dacwad ka gudbiyay oo waala xidhay, ma xidhni, cid i dacwaysayna ma jirto, nabadgalyo iyo xasilooni ayaan anigu ku joogaa Somaliland" ayay tidhi Umul Khayr.

"Hadii ay dad doonayaan waddan kan in ay cambaareryaan waxan u sheegayaa in anan anigu marnaba mar marsiyo u noqon karin, cidii doonaysa in ay Somaliland ka dhigto jeel majnuun dadka lagu xidho iyaga ayay u taalaa".

Umulkhayr Rooble Cilmi oo ah gabadh reer Jabuuti ah oo dagan Hargaysa, ayaa maanta xili sii  horaysay warbaahintu baahisay in la xidhay, iyadoo xiganaysa wasiirka diinta iyo awqaafta oo sheegay in booliisku xidheen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]