4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
Hargaysa: Gabadh dalbatay in loo ogolaado in ay qaawani ku socon karto oo la xidhay
 

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa magaalada Hargaysa ku xidhay gabadh xukuumada Somaliland ka dalbatay in ay samayso xeer ogolaanaya in dumarku ay suuqa qaawani ku dhex mari karaan.

Gabadha oo Facebook kusoo gasha magaca Buulo Qareen Hayaama, ayaa xili ay dood TV ka qayb galaysay dalbatay in la sameeyo xeer u ogolaanaya in ay qaawani suuqa ku mari karto "Nigis iyo kiishali hadan Hargaysa ku maro waa in aan helaa xeer ilaalinaya nabad galyadayda iyo xasiloonidayda".

Hadaba, wasiirka diina iyo awqaafta Somaliland Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in booliisku ay xabsiga u taxaabeen gabadha isla markaana ay baadhis socoto isagoo ka digay ficilada anshaxa baal marsan.

"Arrinta laamaha amniga ayaa ka howlgalay, qofku marka uu sameeyo wax anshaxa aan waafaqsanayn waxa la rabaa in cidii u xilsaarnayd ay ka howlgasho waana laga howlgalay, lamaaha amniguna gacanta ayay ku dhigeen, baadhitaana way wadaan" ayuu yidhi wasiir Albaani.

Dooda TVga ee ay Hayaama ka codsatay xeerka fasaxaya qaawanida, ayaa timid kadib markii todobaadkii hore suuqa magaalada Hargaysa lagu qabtay gabadh shaadh iyo surwaal xidhan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]