4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
Madaxweyne Biixi oo qaabilay safiirada cusub ee Midowga Yurub iyo Sweden
 

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo madaxtooyada ku qaabilay safiirrada cusub ee Midawga Yurub iyo Sweden Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Tiina Intelmann iyo  Amb. Per Lindgarde, ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta.

"Kulanka, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya midawga Yurub iyo dalka Sweden,  dardar gelinta mashaariicda horumarineed, hadday tahay kuwii socday iyo hadday tahay kuwa cusub ee sannadaha soo socda qorshaysan" ayaa lagu yidhi war-murtiyeed kulanka kasoo baxday.

Sidookale, waxa lagu sheegay in kulanka lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda ee Somaliland ka dhici doona sannadka danbe ee 2022, iyo xaalada uu Geeska Afrika hada ku suganyahay.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in safiiradu shacabka iyo xukuumada ku bogaadiyeen himiladooda "Wufuudda, ayaa dhinacooda waxa ay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka iyo hiigsiga ka socda kana muuqda Somaliland ee ah inay noqdaan kuwo ka gun gaadha himilooyinkooda fog iyo kuwa dhawba".

Socdaalkan ayaa ah koodi ugu horeeyay ee safiirada cusubi ay Somaliland ku yimaadeen tan iyo markii lasoo magacaabay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]