1/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
Somaliland oo ka jawaabtay wararka sheegaya in ay taageertay dagaalka Tigrey
 

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dhex ka tahay arrimaha Itoobiya.

Wasiir Kayd ayaa sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso dadaalkasta oo keenaya in Itoobiya nabad lagu soo dabaalo, lakin mawqifka siyaasada arrimaha dibada Somaliland uu yahay in anay Somaliland faragalin siyaasada arrimaha gudaha dal kale.

"Waxaanu taageersanahay waxkasta oo nabadgalyo iyo dhex dhexaadin ah oo Itoobiya ka socda, anaga Somaliland ahaan  in aanan faragalin siyaasada gudaha ee Itoobiya weeyan mowqifka siyaasadayada arrimaha dibadda" ayuu yidhi Kayd.

Wasiirka oo ka ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida iyo madaxweyne Biixi ay ka wada hadleen amniga, iskaashiga iyo arrimo la xidhiidha sirdoonka.

"Iskaashi uunbaa laga hadlay, nabad galyada ayaa laga hadlay iyo in la is waydaarsado sirdoonka, xidhiidhkii caadiga ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhaxayn jiray uun baa laga wada hadlay" ayuu yidhi Kayd

Kadib kulankii Hargaysa ku dhex maray madaxweyne Cagjar iyo madaxweyne Biixi, ayay warbaahinta dowlada Itoobiya ee EBC oo ka waramaysay wixii laga wada hadlay sheegtay in madaxweyne Biixi taageeray dagaalka Itoobiya kula jirto Tigrey.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/1/2021 1:39 PM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - UmulKhayr Rooble Cilmi oo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland sheegay in booliisku xidheen kadib markii, ay xukuumada ka codsatay sharci ilaalinaya dumarka aan xijaaban, ayaa sheegtay in aan la xidhin, cidna dacwaynin.

12/1/2021 9:30 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa dalalka Jabuuti iyo Itobiya ee qeybta ka ah Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoos taga magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

12/1/2021 8:00 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa magaalada Hargaysa ku xidhay gabadh xukuumada Somaliland ka dalbatay in ay samayso xeer ogolaanaya in dumarku ay suuqa qaawani ku dhex mari karaan.

12/1/2021 7:52 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda Itoobiya, dagaallo adag oo ay dawladdu kula jirtay kooxda TPLF, ayaa waxay dowladdu sheegtay inay la wareegtay magaalooyin waawayn oo istiraatiji ah.

12/1/2021 7:45 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo madaxtooyada ku qaabilay safiirrada cusub ee Midawga Yurub iyo Sweden Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Tiina Intelmann iyo Amb. Per Lindgarde, ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta.

12/1/2021 6:53 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis waxaa lagu sameeyay Taliyahii ciidanka Booliiska degmada Baledweyne, islamarkaan lagu magacaabay Taliye Cusub.

12/1/2021 5:18 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Haweeney looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Talaadadii lagu xiray deegaanka Tinderet, ee gobolka Nandi.

12/1/2021 2:52 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan habka loo maray doorashada kursiga golaha shacabka ee tirsiigu yahay 103, oo la ogyahay inuu dacwad kasoo gudbiyay guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

12/1/2021 2:32 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu gacanta kusoo celiyo hay’addaha u xiran shaqsiyaadka gaarka ah.