4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo tababar ciiddan usoo xiray kumanaan askari oo maleyshiyaad ahaa


Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa tababar usoo xiray ciiddamo maleyshiyo ah oo ka kooban dhammaan gobollada, maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka Deegaanka.

Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in dawladdiisa  ay ka go'an tahay kor-u-qaadidda nolosha ciidanka maleeshiyada, islamarkaasina hadda la kordhiyey mushahaarka ciidanka.

"Waxaa hubaal ah in deegaankeenna jiritaankiisu uu ku xidhan yahay xoog ciidan oo ka dhisan dhinac walbem" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan isku-dayo ay wadaan kooxda TPLF oo kaashanaya xubno ku sugan Deegaanka, kuwaasi oo uu sheegay in ay abuurayaan isku-dhacyo qabaa'il, dib-u-deegaamayn hor leh iyo arrimo kale oo lagu khal-khaliyo shacabka, balse ciidankani looga baahan yahay ka-hortagga ficillada ka dhanka ah xasilloonida.

18 March 2021-kii  ayey ahayd markii ugu horreysay saraakiisha ciidammada maleeshiyaddu ay la kulmeen madaxweynaha Deegaanka, iyagoo usoo bandhigay tabashooyinkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka maleeshiyada ay xukuumaddu ahmiyad gaar ah siin doonto; waana markii 1aad oo ciidan maleeshiyaad ah la siiyo tababar ciidannimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online