4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Kenya
 

Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo maanta soo gaartay Muqdisho.

Warsaxaafadeed oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Labada dhinac ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaan Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, kuwaa soo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online