4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Guddiga doorashada garabka guddoomiye Cabdi Xaashi oo goordhaw doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen iska dhex doortay guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xili maanta guddiga doorashooyinka garab Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ay doorteen guddoon cusub.

Guddiga doorashooyinka garabka guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa guddoomiye waxay u doorteen Suleyman Ceydiid Cismaan, waxaana guddoomiye ku xigeenka ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadaan ayaa noqoneysa midii labaad oo maanta ka dhacda magaalada Muqdisho waxayna kusoo beegmeysa xili doorashadii garabka Mahadi Guuleed maanta ay qabsadeen uu taageeray Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Labada guddoon ee maanta markale ay kala doorteen xubnaha guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee kala taabacsan guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa noqoneysa mid sii adkeyneysa khilaafka ka taagan doorashada kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]