4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 6 , 2021
Qaramada Midoobay oo sheegtay in 80% ay sare u kaceen tacaddiyada ka dhanka ah dumarka Soomaaliyeed
 

Jimco, Agoosto, 6, 2021 (HOL) - Tacaddiyada kufsiga ee dumarka Soomaaliya, ayaa sare u kacay 80% ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Qaramada Midooday, taasoo lagu tilmaamay in ay abuurtay qeylo dhaan weyn.

Qaramada Midoobay waxay arrintaan ku sheegtay mid argagax leh, waxaana xoghayaha guud oo warbixintaan loo gudbiyay uu ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo tacaddiyadan

"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh isku dhacyada Soomaaliya inay sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyaan tacaddiyadan," ayaa lagu yidhi bayaanka ay soo saareen Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo isku dhacyada hubeysan, Virginia Gamba iyo wakiilka qaarka ah ee qaabilsan tacaddiyada kufsiga ee ka dhaca meelaha ay colaadaha ka jiraan, Pramila Patten.

Sida warbixinta lagu sheegay, sanadkii 2020 400 oo qof oo rayid ah, oo u badan gabdho, ayaa dhibaneyaal u noqday tacaddiyo isugu jira kufsi iyo xad gudubyo kale oo la xiriira jinsiga.

Tiro ka badan 100 kiis oo tacaddiyada kufsiga ah ayay Qaramada Midoobay xaqiijisay afarkii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2021-ka. Dadka falalkaas geysta waxay inta badan ka faa'iideystaan gabdhaha nugul ee ku jira xeryaha barakacayaasha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online