4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 6 , 2021
Xubno kamid ah guddiga doorashada gobolada waqooyi oo diiday doorashada berrito lagu dooranayo guddoonka guddigooda
 

Jimco, Agoosto, 6, 2021 (HOL) - Xubno kamid ah guddiga doorashooyinka kuraasta goballada waqooyi ee Somaliland, ayaa shaaciyay in aysan ka qeyb gali doonin doorashada maalinta berri ah loo madlan yahay ee lagu dooran doono guddoonka guddiga.

Shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen afar xubnood oo katirsan guddigan, ayaa waxay sheegeen illaa iyo inta heshiiska laga gaarayo khilaafka ka dhex taagan labada garab aysan ka qeyb galayn doorashada.

“Doorashada waxaan kaga qeybgali karnaa labo qodob oo kala ah; in ay is-dooranayaan xubnihii siddeeda ahaa ee ka yimid heer deegaan doorasho iyo haddii lagu dhameeyo wada hadal iyo heshiis dibbada ah oo la isku af-garto," ayuu yiri, Suleymaan Ceydiid Cismaan oo u hadlayay guddigan.

Suleymaan Ceydiid Cusmaan ayaa raysal wasaaraha ugu baaqay inuu doorashada dib u dhigo islamarkaana uu is-afgarad ku dhameeyo khilaafka guddigooda ka dhex taagan.

Raysal wasaaraha ayaa horay u sheegay in doorashada guddoonka guddiga doorashada wakiiladda gobolada waqooyi aysan dib uga dhicidoonin todobada bisha August oo berrito ah.

Doorashada ayaa ka dhici doonta xerada Afisyooni, halkaas oo afar cishe kadib lagu qabandoono doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolada waqooyi.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online