4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 5 , 2021
Maxkamada gobolka Maroodijeex oo xukun ku riday dad Khamri lagu qabtay
 

Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Maxkamada gobolka Maroodijeex, ayaa xukun min 9 sano oo xadhiga ah ku riday 4 eedaysane oo ay ku caddaatey in ay Somaliland soo galiyeen 670 litir oo Khamri ah, sidoo kale gaadhigii ay wateen ayaa lagu riday ganaax 20% qiimihiisa ah.

"Xafiiska xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex waxa uu maanta maxkamada horkeenay 4 eedaysane kuwaasi oo lagu soo qabtay 670 litir oo Khamri ah, maxkamadu way dhagaysatay waxaana ku caddaatay in ay danbiyada galeen, maxkamadu waxay ku xukuntay midkiiba 9 sano oo xadhig ciqaabeed ah" sarkaal xeer ilaalinta ka tirsan ayaa sida yidhi.

Xukunka lagu riday eedaysanayaashan ayaa noqonayaa kii ugu dheera ee sanadahan lagu rido dad lagu qabtay maandooriye, dhinacale kale ciidamada booliiska Somaliland ayaa dagaal adag kula jira ganacsiga maandooriyaha, waxayna marar kala duwan soo bandhigeen maandooriyaha noocdyadiisa kala duwan oo ay gacanta ku dhigeen.



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online