10/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 5 , 2021
Soomaaliya oo u gudbisay Qaramada Midoobay qorshaheeda isbedelka cimilada
 

Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku -xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay in ay Soomaaliya Qaramada Midoobay u gudbisay qorshaheeda tabarrucaadka Qaran ee waafaqsan heshiiskii Paris ee isbedelka cimilada.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya ay soo gudbisay tabarrucyadii Qaran ahaan loo qoondeeyay si waafaqsan waajibaadka caalamiga ah iyo heshiiskii Paris ee isbeddelka cimilada,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.”

Heshiiska Paris ayaa tilmaamaya qaab -dhismeed caalami ah oo lagula dagaallamayo isbedelka cimilada, wuxuuna raadinayaa in lagu yareeyo kuleylka adduunka si aad uga hooseeya 2 ° C.

Qodobka 4aad ee Heshiiska Paris wuxuu sheegayaa in dhinacyadu ay raacaan tallaabooyinka yaraynta wasakhda hawada, iyadoo ujeedadu tahay in la sameeyo dhimis degdega oo ku saabsan qiiqa hawada.

Waxay kaloo ujeeddadeedu tahay in la xoojiyo awoodda waddammada ee la tacaalida saameynta isbedelka cimilada oo lagu taageero dadaalkooda.

Ka dib markii la ansixiyay Heshiiskii Paris ee 2015, dhinacyada waxaa laga rabay inay soo gudbiyaan tabarrucaadkooda Qaran ahaan sannadkii 2020.

Soomaaliya ayaa ansixisay heshiiskii Paris Abriil, 2016 -ka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/5/2021 4:42 PM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga hadlay Musharaxiin uu sheegay iney is hubeynayaan.

8/5/2021 10:53 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta shir guddoominayay shirka golaha wasiiradda Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay kulan uu la yeeshay Madasha Qaran oo ay isku afgarteen in ay ku soo afjaraan arrimaha doorashada aqalka sare asbuuca soo socda.

8/5/2021 10:49 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Maxkamada gobolka Maroodijeex, ayaa xukun min 9 sano oo xadhiga ah ku riday 4 eedaysane oo ay ku caddaatey in ay Somaliland soo galiyeen 670 litir oo Khamri ah, sidoo kale gaadhigii ay wateen ayaa lagu riday ganaax 20% qiimihiisa ah.

8/5/2021 9:50 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo magaalada Dhuusomareeb kula kulmay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ayaa codsaday in gargaar la gaarsiiyo dadka ku nool deegaannadii laga xoreeyay Alshabaab.

8/5/2021 3:01 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay cabsida ku aadan in ay jiraan kuraas gaar ah oo loo xiray musharraxiin.

8/5/2021 2:54 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxay Shalay galinkii dambe ku dileen nin ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed Naxariis iyo Nabadgalyo dushiisa ha ahaate.