4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 5 , 2021
Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug oo beeniyay in dad gaar ah loo xiray kuraasta labada aqalka ee barlamaanka
 

Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay cabsida ku aadan in ay jiraan kuraas gaar ah oo loo xiray musharraxiin.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa sheegay muwaadiniinta Galmudug in ay si xor ah ugu tartami karaan kuraasta labada aqalka ee barlamaanka, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid awood u leh oo ka hor istaagi karta arrintaas.

Hadalka Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug ayaa yimid xilli madaxweynaha Galmudug laga sugayo inuu soo gudbiyo liiska magacyada musharraxiinta aqalka sare oo ay siyaasiyiin badan oo saamayn ku leh Galmudug isha ku hayaan.

Guddiga amniga doorashada Galmudug ayaa shalay soo saaray awaamiir lagu mamnuucayo in hub lasoo galiyo Galmudug, taasoo ka dambeysay kadib markii siyaasiyiin u sharraxan barlamaanka ay hub iyo ciiddan la galeen Dhuusomareeb.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa in khalalaase siyaasadeed aay ka dhashaan doorashooyinka Galmudug, iyadoo Galmudug ay kasoo jeedaan siyaasiyiinta badan oo katirsan mucaaradka dowladda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qaarkood ku eedeeyay in madaxweyne Qoorqoor uu wado qorshe ku aadan in siyaasiyiinta mucaaradka laga reebo tartanka aqalka sare.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online