10/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 5 , 2021
Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Nin ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW
 

Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxay Shalay galinkii dambe ku dileen nin ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed Naxariis iyo Nabadgalyo dushiisa ha ahaate.

Ninka xukunka dilka ah ay ku fuliyeen Al-shabaab ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Tooxoow Fiidoow oo ku noola deegaanka Xiindheere.

Maxkamada Al-shabaab waxay sheegtay in cadeymo in marqaatiyaal lagu helay in ninkaasi uu aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW.

Ninkan la sheegay inuu aflagaadeeyay Nabigeena ayaa da'diisa lagu sheegay 87 sano jir, waana dilkii ugu horeeyay ay Shabaab ku fuliyaan ruux ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/5/2021 4:42 PM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga hadlay Musharaxiin uu sheegay iney is hubeynayaan.

8/5/2021 10:53 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta shir guddoominayay shirka golaha wasiiradda Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay kulan uu la yeeshay Madasha Qaran oo ay isku afgarteen in ay ku soo afjaraan arrimaha doorashada aqalka sare asbuuca soo socda.

8/5/2021 10:49 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Maxkamada gobolka Maroodijeex, ayaa xukun min 9 sano oo xadhiga ah ku riday 4 eedaysane oo ay ku caddaatey in ay Somaliland soo galiyeen 670 litir oo Khamri ah, sidoo kale gaadhigii ay wateen ayaa lagu riday ganaax 20% qiimihiisa ah.

8/5/2021 9:50 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo magaalada Dhuusomareeb kula kulmay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ayaa codsaday in gargaar la gaarsiiyo dadka ku nool deegaannadii laga xoreeyay Alshabaab.

8/5/2021 3:33 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku -xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay in ay Soomaaliya Qaramada Midoobay u gudbisay qorshaheeda tabarrucaadka Qaran ee waafaqsan heshiiskii Paris ee isbedelka cimilada.

8/5/2021 3:01 AM EST
Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay cabsida ku aadan in ay jiraan kuraas gaar ah oo loo xiray musharraxiin.