7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 4 , 2021
Golaha siyaasiyiinta Somaliland oo ka horyimid go'aankii raysal wasaaruhu ka qaatay khikaafka dhexdooda
 

Arbaco, Agoosto, 4, 2021 (HOL) - Golaha Siyaasadda Somaliland ee uu hoggaamiyo guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi ayaa ku gacan seeray doorashada guddoonka guddiyada Somaliland ee uu ra'iisul wasaare Rooble sheegay in la qabanayo.

War-saxaafadeed ay soo saareen golaha siyaasiyiinta Somaliland waxay ku sheegeen inaanu jirin heshiis laga gaaray khilaafyadii taagnaa, waxayna ku eedeeyeen ra'iisul wasaare Rooble in uusan la iman wax hindise xal ah.

Golaha siyaasiyiinta Somaliland waxay sheegeen in aysan qeyb ka ahaan doonin waxay ugu yeereen go’aan hal dhinac loogu danaynayo iyo doorashada maanta guddiga heer federal uu shaaciyay in ay dhacayso.


Guddiga doorashooyinka heer federalka ayaa qoraal uu soo saaray ku wargaliyay guddiga dooorasha kuraasta gobolada waqooyi ee Somaliland in ay doorashada guddoonkoodu dhici doonto todobada bishaan August.

Si looga fogaado in dib u dhac ku yimaado, ayaa guddiga heer federal waxay amar ku bixiyeen in doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada Somaliland aysan waqtigeeda ka dib dhaci karin.



Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasiir u dowlaha xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu faray guddiga doorashada Somaliland in ay fuliyaan jadwalka doorashada, waxaana hay'addaha ay qusayso la faray in ay kor-joogto ka ahaadaan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online