4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida oo farriin ku saabsan doorashada u diray shacabka degaanka
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida Cali Badal oo warbaahinta la hadlayay ayaa shacabka degaanka ugu baaqay inay maalinta barri ah oo Arbaca ah taariikhduna ku beegan tahay 1 September 2021 ay qaataan kaarka codbixinta.

Wasiirku wuxuu xusay maadaama wakhtiga ay soconayso diiwaan galinta codbixiyayaashu ay kooban tahay oo ay tahay muddo 10 maalmood ah, inay dadku ay horey u qaataan kaararka codbixinta doorashada oo bisha September dhammaadkeeda ka dhacaysa degaanka Soomaalida.

Maalinta barri oo Arbaca ah ayaa waxaa degaanka Soomaalida goobihii dhawaan la shaaciyay in dib loogu noqonayo ka bilaabanaysa diiwaan galinta codbixiyaasha iyo qaadashada kaarka cod bixiyaasha, waxayna socon doontaa ilaa 10 September 2021.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]