4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Somaliland: Baabuurta dadweynaha oo caymis lagu soo rogayo
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 15 bisha Sebtember uu caymis ku waajibi doono dhamaan baabuurta kasoo daga Dekedda Berbera iyo baabuurta waa wayn ee xamuulka qaada.

Kulan saddex geesood ah oo ay magaalada Berbera ku yesheen madaxda Hay'ada Caysmiska Somaliland, madaxda gobolka Saaxil iyo maamulka Dekedda Berbera, ayaa lagaga dhawaaqay go'aanka waajibinta caymkska gaadiidka.

"Waxa la samaynayaa 15 maalmood oo wacyi galin ah oo bari ka bilaabmaysa, 15 ka bisha sagaalaad oo Arbaco ku beeg  na waxa bilaabmaya caymiskii, oo ku waajibaya gaadiidka soo dagaya iyo gaadiidka dekedda galaya ee shaqaynayaba" sida waxa yidhi guddoomiyaha hay'ada caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari.

Caymiska ayaa sahli doona in baabuurta xamuulka ee Somaliland ay si xor ah ku socon karaan dhamaan dhulwaynaha Itoobiyaha, ganacsiga Somaliland iyo Itoobiyana isku furmi doono sida laga soo saaray shir ay hay'adaha caymiska Somaliland iyo Itoobiya yeesheen 25 kii bishan Ogoosto.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]