4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba isaga baxay wadanka Afghanistan
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney soo afjartay joogitaankeedii Militari ee dalka Afghanistan, iyadoo diyaaradahii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka Afghanistan saqdii dhexe ee xiliga Kabul.

Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa taliska dhexe ee dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay iney soo gabagabeeyeen howlgalkii Militari ee Mareykanka uu ku qaaday Afghanistan 20, sano ka hor.

"Dhamaan xoogagii ajnabiga ahaa ee dalka qabsaday waxay daqiiqado ka hor ka baxeen dalka, madaxa diblomaasiyiinta Mareykanka ee Afghanistan, Ross Wilson ayaana ka mid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee soo raacay duulimaadkii ugu dambeeyay ee C-17" ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee Taalibaan oo la hadlay Idaacadda VOA-da.

Howlgalka ka bixitaanka Mareykanka ee dalka Afghanistan ayaa soo idlaaday ka hor waqtigii uu cayimay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ku beegneyd saqda dhexe ee habeenka Talaadada ah.

Gen. McKenzie oo dusha kala socday soo bixitaanka Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka iyo Isbaheysiga ay daadgureeyeen in 123,000 oo rayid ah isku celcelis ahaana ka dhigeysa in ka badan 7,500 oo rayid ah maalintiiba.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]