4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Raysal Wasaare Rooble oo joojiyay heshiis lagu bixin lahaa qeyb kamid ah Tiyaatarka qaranka
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka kasoo baxay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankaan ayaa ka dambeeyay kaddib markii qaar kamid ah hal abuurada iyo fannaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ay ka keeneen cabasho weyn oo ku aadan intiyaatarkii qaranka Soomaaliyeed laga iibiyay shirkad gaar ah.

War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan: “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu shirkadda Xaawo Taako u oggolaaday in ay qeyb kamid ah dhulka Tiyaatarka ay ka sameyso maqaqayad casri ah oo ay masuuliyiinta dowladda ku nastaan.

Tan iyo markii uu go’aankaan soo baxay, ayay qeylo dhaan kasoo yeertay golaha abwaanada Soomaaliyeed, kuwaas oo ka horyimid in Tiyaatarka qeyb kamid ah lagu wareejiyo shirkad gaar ah.

Golaha abwaanada waxay sheegeen soddonkii sano ee dalku burburku ahaa in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed ama cid kaloo isku dayday in tiyaatarka lagu wareejiyo cid gaar ah, iyagoo dowladdan ku eedeeyay in ay doonayso in ay xaraashto tiyaatarka oo lagu sameeyay dib u dhis xooggan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online