4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ahaa mid diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka sidii loo dardargelin lahaa iyo waliba turxaanbixinta habraacyadii 24-ki bishan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaa intii uu socday kulanka masuuliyiinta kawada hadleen sidi loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee howlaha doorashooyinka dalka sida golaha shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa la sheegay iney Raysal wasaaraha u gudbiyeen tabashooyin dhowr ah oo ay ka qabaan hanaanka doorashooyinka dalka ay ku bilaawdeen.

Kulanka maanta dhexmaray Raysal wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya xili shalay magaalada Muqdisho kulan ku qaateen golaha Musharaxiinta kaasoo ay kasoo saareen qodobo dhowr ahaa oo quseeyay arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladaha taagan sidii looga gudbi lahaa.

Dhawaan ayay aheyd markii Musharaxinta si rasmi ah u shaaciyeen iney kasoo horjeedaan habraacii doorashada golaha shacabka ee ay soo saareen madaxda golaha wadatashiga qaran.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]