4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Qaali Maxamuud Guhaad "Danta waxay igu qasbi doontaa inaan qoriga qaato"
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo horay uga tirsanaan jirtay hay'adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed ayaa markale si dareen leh uga hadashay maqnaashaha gabadheeda.

Maamo Qaali ayaa sheegtay in loogu awood sheeganaayo shaarka dowladda madaxda dowladdana ay iska dhaga tireen codsigeeda ku aadana wax ka qabashasda gabadheeda oo nolol iyo geeri midna lagu haynin muddo dheer.

"Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxay inoo diiday iney nasiiso nambarkii ugu dambeeyay ee soo wacay taleefanka gabadheyda, waxana meeshaas ka cad in Power abuse naloo sheeganayo oo waxba laga qabaneyn dhibaatada nahaysato"ayay tiri Qaali Maxamuud.

waxay sidoo kale sheegtay hooyada dhashay Ikraan in madaxda ugu sareysa dalka ay u dirtay fariimo ay kaga codsaneyso wax ka qabashada dhibaatada ka haysata gabadheeda maqan waxayna sheegtay iney fariimaha ay u dirtay ay arkaan balse aysan kasoo jawaab celinin.

"Madaxweynaha iyo Rasyal wasaaraha waxaa ku ceeb ah iney ka aamusan yihiin kiiska gabadheyda muddo laba bilood ah, madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday hadana waxa uu rabaa xil marka sidee lagu doortaa hadii uusan wax ka qabanen gabadha yar ee magaaladdii uu ka talinaayay ku afduuban" ayay tiri Maamo Qaali.

Ugu dambeyntii hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay hadii arintu sidaan sii ahaato iney iyada qudheeda qaadan doonto qoriga ayna gabadheeda cidna usii xirnaan doonin.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]