4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Sawir qaade ka tirsanaa kooxda Daacish oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday inay 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay sarkaal katirsan kooxda Daacish.

Cabdisamad Ibraahim Cumar oo loo yaqaan [Abuu Cali] ayaa lagu helay dambi ah in uu ahaa sawir qaadaha kooxda Dacish, wuxuuna u qaabilsanaa duubista weerarrada ka dhanka ah ciidamada xoogga.

Cabdisamad Ibraahim Cumar oo ku dhashay Gaarisa ayaa ku biiray Daacish isagoo ka yimid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya sannadkii 2016 -kii, wuxuuna u wareegay buuraha Galgala ee Puntland, halkaas oo ay ka howlgasho garab ku xiran kooxda Daacish.

Waxaa lagu xiray sanadkii hore garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, halkaas oo maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku riday xabsi toban sano ah.

Weerarada uu duubo ee ISIS, ayaa lagu soo bandhigi jiray baraha Internet-ka ee kooxda, sida filim uu ka qabtay is-rasaaseyn dhimasho iyo dhaawac dhalisay oo dhex martay Al-Shabaab iyo Daacish oo ka dhacday deegaanka Muraale ee Puntland bishii December 2018.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya General Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka  lagu riday, isagoo muddo 30 maalmood ah siiyay inuu racfaan ka qaato xukunka maxkamadda sare.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online