10/26/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Guddiga doorashada Puntland oo diiday in dib loo dhigo doorashooyinka soo socda ee Puntland
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa maanta ka hor yimid dalab ka yimid ururada siyaasada Puntlad, kuwaas oo doonaya in dib loo dhigo doorashooyinka dowladdaha hoose ee nidaamka xisbiyada Puntland.

Guddoomiyaha gudidga doorashooyinka Guuleed Saalax Barre, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka dhawaajiyay in aanu waxba iska beddelidoonin jadwalka doorashada islamarkaana aysan aqbalidoonin wax dib u dhac ah oo doorashada ku yimaada.

Guddoomiye Guuleed ayaa sheegay in ay ururradu u sheegeen in aanu jirin daruufo xilligan keeni kara in dib loo dhigo doorashada, wuxuuna caddeeyay ururkii aan doorashada diyaar u ahayn in aysan ku qasbayn.

“Uma joojin karno oo uma xannibi karno doorasho uusan waqtigeediiba caddeyn. Waxaan aaminsannahay in aanu jirin isku dhac weyn oo labada doorasho haddii ay is-dulfuulaan ka dhalankara,” ayuu yiri guddoomiyaha TPEC.

Dhinaca kale, ururrada siyaasada ayaa ku gacan sayray go’aanka guddiga doorashada, waxaana lagu wadaa in ay soo saaraan mowqifka ay ka qaateen arrimaha doorashooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan.

Ururrada siyaasada Puntland ayaa ka cabanaya dhaqaale xumo iyo saameynta doorashada federalku ku yeelan karto tan Puntland.

Doorashooyinka dowladdaha hoose ee Puntland ayaa la qabanayaa bisha tobnaad dhamaadkeeda ee sannadkan, waana doorashooyin tijaabo oo lagu bilaabi doono nidaamka xisbiyada badan ee Puntalnd.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online

 












Click here
8/30/2021 12:52 PM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka kasoo baxay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

8/30/2021 12:49 PM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

8/30/2021 9:52 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo horay uga tirsanaan jirtay hay'adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed ayaa markale si dareen leh uga hadashay maqnaashaha gabadheeda.

8/30/2021 9:39 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday inay 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay sarkaal katirsan kooxda Daacish.

8/30/2021 3:27 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaacil (Saylici), ayaa dhagax dhigay beer lagu tayayn doono dhirta iyo dabeecada, oo laga hirgalinayo deegaanka Geed-deeble ee duleedka waqooyi ee magaalada Hargaysa.

8/30/2021 3:16 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hrshabeelle Cali Guudlaawe oo shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in dhawaan si rasmi ah maamulkiisa u bilaabi doonaan doorashada xubnaha ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya.

8/30/2021 2:53 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay isla meel dhigeen iskaashiga sidii loo soo afjari lahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Koofurta maamulka Galmudug.

8/30/2021 1:59 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Safaaradda Indonesia ee Nairobi ayaa ku guuleysatay inay dib u soo celiso 12 shaqaale oo u dhashay dalkeeda, kuwaas oo muddo ka badan siddeed bilood ku xayirnaa markab kalluumeysi oo lagu magacaabo Liao Dong Yu oo ku sugnaa xeebaha Puntland.

8/30/2021 1:35 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Doorashooyinka Puntland ee nidaamka xisbiyada badan ayaa qatar ku jira qabsoomidooda kaddib markii ururrada siyaasada ay dalbadeen in doorashada dib loo dhigo, iyagoo ku sababeeyay in aanay haysan dhaqaalihii ay doorashada ku gali lahayeen.